Madaxweynaha Jubbaland oo Goor dhow Taliye cusub magacaabay

30

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo sabti ah Taliye cusub u magacaabay Ciidamada Booliska Jubbada Hoose ee Maamulkaas..

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbada Hoose loogu magacaabay inuu noqdo gaashanle Sare Sadiiq Maxamuud dhogor.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa goorsii horeysay oo Maanta xilalkii ka qaatay Taliyaha  Ciidamada Booliska Maamulkaas, ku-xigeenkiisii iyo Taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka ee Jubbaland.

Taliyaha guud Ciidanka Booliska ayaa loo magacaabay G/S Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, waxaana Taliyaha Nabadsugida loo magacaabauy Maxamed Axmed Sabriye.