Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi

31

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa looga ka wada hadlay dardar-gelinta dadaalada loogu jiro qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa ee 27-kii bishii lasoo dhaafay ee May heshiis laga gaaray.

Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Jubbaland, waxaana Madaxweynaha uu Cabdi Xaashi uga mahadceliyay booqashada ugu tegay.

Kulankaan oo ka dhacay Hotel ku dhex yaalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka qeyb galay iyo Senator Xasan Faarax Xujaale iyo Mas’uul kale, iyadoona la isla gartay dardar-gelinta dadaalada doorashada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maalintii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo fulinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka.