Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ku sii jeeda Garoowe

42

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib todobaadyo uu ku sugnaa Nairobi oo howlo caafimaad u joogay ayaa horay uga baaqsaday Shirkii 15-kii bishan ka furmay Dhuusamareeb.

Siciid Deni iyo Axmed oo xulufo ah ayaa shir wadatashi ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada ku dhex mari doonaa magaalada Garowe.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horay uga hor-yimid heshiiskii Dhuusamareeb 3, iyagoo sheegay in aanay qeyb ka aheyn oo ahaa aragti ku koobnaa Madaxdii ka qeyb gashay shirkaas.