Madaxweynaha K/Galbeed Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Odayaasha Xudur

37

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xalay kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka degmadaas.

Kulanka oo dhowr saacadood socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta degmada Xudur, baahiyaha muhiimka ah ee jira iyo sidii si deg deg ah looga qaban lahaa dhammaan arrimaha ka taagan.