Madaxweynaha KGS oo Ka Hadlay Horumarka uu ku talaabsaday Gobolka SH/HOOSE

126

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta Khudbad ka jeedinayay ayaa faahfaahin ka bixiyay safaradii uu ku tagay Degmooyinka Gobolka Shabeeladda Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed  kuwa uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa  xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka Gobolka Shabeeladda Hoose  laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka,Dib udhiska Xarumaha Dowlada IWM sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xusay in lagu guulaystay in la hormariyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed lagana Dareemayo Isbedel Hormarineed oo dhan walba ah .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka Hirgelinta Mashariic kala Duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Baay,Bakool.

Madaxweynahe Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose uu wax badan ka qabtay Xaaladda Amni  iyo Horumrinta Bulshada  Gobolka shabeeladda Hoose.

Ugu dambeyntii Madaxweyne  Lafta gareen ayaaa Waxa uu Tilmaamay In gobolka Shabeelada Hoose uu ku talaabsaday Horumar dhanwalba ah waxaana uu balanqaaday in dhawaan Nabad diidka laga Xureyn doono Goobaha ay kaga sugan yihin Gobolka .