Madaxweynaha KGS oo ka qeybgalay Casho sharaf lagu Maamuusayo Furitaanka kalafadhiga 2aad Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed.

63

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka qeybgalay Habeenkii Xalay aheyd  Casho sharaf lagu Maamuusayo Furitaanka kalafadhiga labaad Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed oo shalay Madxaweynaha uu daahfuray

Munaasabaddani  Casho sharaft ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Mudanayaasha Barlamanka koonfur Galeed Soomaaliya wasiirada Dowlad Goboleedka,Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Gudoomiyhii Hore ee Barlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya prof Maxamed SH Cismaan Jawaari  iyo Marti Sharaf kale ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Munaasabadan Casho sharafta ah ayaa waxa ay ku soo gaba gabowday jawi dagaan waxana masuuliyiintii ka qeyb gashay wajiyadooda ka muuqatay farxad  iyo is marxabeynta dhexdooda ah .