Madaxweynaha KGS Oo Ka Tacsiyadeeyay Saraakiishii Iyo Ciidamadii Ku Dhintay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Deynuunaay

26

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka tacsiyadeeyay Allaha u naxariistee Saraakiishii Iyo ciidankii naftood hurayaasha ahaa ee ku geeriyooday dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada iyo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya geerida Saraakiishii ka mid noqday ciidankii ku shahiiday dagaalkii maanta argagaxisada ku soo qaadeen Deynuunaay.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Tacsida Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed:-

Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan Saraakiishii iyo Ciidamadii ku shahiiday dagaalkii maanta dhacay deegaanka Deynuunaay.

Saraakiisha iyo Ciidamada geeriyooday waxa ay ahaayeen naftood hurayaal maalin iyo habeen u taagnaa difaaca dadkooda iyo dalkooda.

Waxaan rabaa inaan ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo Al-Shabaab ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida.

Sugidda nabadgalyada waa mas’uuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.