Madaxweynaha KGS oo kulan kula qaatay Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka Somaliyeed

115

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed

 kulan uu madaxweyne Laftagaree la qaatay Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka soomaaliya Somaliyeed iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Gudoomiye ku xigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay,adda Batroolka uqaabilsan oo Shalay gaaray magaalada baydhabo.

Xarunta Madaxtooyada Dowlad gobaleedka Koonfur gqlbeyd oo ka qabsoomay

ayaa Madaxweynaha kusoo dhoweyey Wafdiga

waxaana uu ka dhagaystay socdaalkooda Baydhabo iyo Qorshaha uga Degsan soo Saarida Batroolka si Kheyraadka Batroolka looga Faideyo Bulshada Soomaaliyeed Qeybna uga qaato Kobcinta Dhaqaalahana Dalka.

Eng Ibraahim Ali Xuseen Gudoomiyaha Gudiga maareeyaha guud ee hay,adda Batroolka soomaaliya,ayaa Warbixin ku Saabsan Safarkooda Baydhabo kasiiyey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen.

Waxaana uu sheegey inuu yahay Safar ay ku xoojinayaan Wadashaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay,adda si si wadajir ah looga qeyb qaato soo saarida Batroolka Dalka.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Ayaa uga Mahadceliyey Gudiga Hay,adda Batroolka Socdaalkoodi ugu horeyey ee Baydhabo ay ku tageen wafdigaasi,

Taasi oo muujinaysa Dadaalada Dowlada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso Soo saarista kheyraadka ku jira Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana ku bogaadiyey muhiimada Dalka ay uleedahay Soo saarida kheyraadka .