SAWIRRO:Madaxweynaha KGS oo la kulumay wafdi ka socday UK

33

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Dugsiga Tawabarka Dowlada Ingiriiska ku Tawabarto Ciidanka Xooga Dalka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge iyo Safiirka Dowlada Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya oo Maanta Baydhabo soo Gaaray Kulanka Waxaa looga hadlay dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Kulanka ka dib Madaxweynaha oo ay Wehliyaan wehlinayey Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta,Arimaha Gudaha iyo Agaasime ku Xigeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Madaxda Dowlada Ingiriiska ayaa Kormeerey Ciidanka Tawabarka uga Socday Xarunta.