Madaxweynaha KGS oo Magacaabay Guddi kumeel gaar ah ee qaban qaabada Shirka Alif Maay-ga.

41

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa  Magacaabay Guddi kumeel gaar ah ee qaban qaabada Shirka Alif Maay-ga.

Gudigaan ayaa waxa uu ka koobanyahay 8 xubnood oo ah wasiiradda maamulka KGS  waxana Gudoomiye u ah  gudigaan ku meelgaarka ah mudane Maxamed Yusuf  Xasan oo ah wasiirka wasaaradda waxbarashadda Dowlad goboledka Konfur Galbeed Soomaaliya .

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa lagu sheegay kadib markuu arkay Madaxweynaha muhiimada uu leeyahay  in la dhiiri geliyo Ku hadalka  iyo qoraalka Af Maay-ga.

Gudigaan ayaa waxa ay shaqadooda  tahay in ay soo qabanqaabiyaan Shirweyne looga hadlayo horumrinta Afka Mayga .

Afka- Maay-ga.ayaa waxa uu ka mid yahay luuqadaaha ama jaladaha looga hadlo gobolo badan oo ka mid ah soomaliya waxana si gaar ah looga hadlaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya