Madaxweynaha KGS oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Q.M.

33

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan iyo Wakiilada Midowga Yurub Nicolas Berlanga, kan Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Madaxweynaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa kulan kula qaatay Wafdiga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo

Masuuliyiinta ayaa kawada Hadlay  Arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

MADAXWEYNAHA MAAMULKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Ugu horeen waxa ka warbixiyay,Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa dhankiisa  tilmaamay in kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd.

James Swan wakiilka Qaramada midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya

Dhinaca kale oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu boogaadinayo dadaalada Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbed ak waddo Gobolka iyo kaalintii uu ku lahaa shirarkii Muqdisho ee looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka .

WAFDIGA GAARAY BEYDHABO MAANTA