Madaxweynaha KGS oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa

39

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo  Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Qoraalka ka soo baxaya Xafiiska Madaxtooyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu Yiri”Hambalyo Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub ee la doortay Hirshabelle Cali cabdullaahi (Guudlaawe) iyo Yusuf Axmed Xagar ( Dabageed) waxaana Alle uga baryayaa inuu ufududeeyo Masuuliyada loo igmaday”

ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle.