Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xariga ka jaray Xarun Cusub oo lagu so kordhiyey Isbitaalka Guud ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Fulinaya Hirgelinta Goobaha loogu Adeegayo Shacabka ayaa maanta Xariga ka jaray Isbitaalka Degmada Baydhabo.
Xaruunta isbitaalka ayaa waxa ay ka kooban tahay labbo qeybood mid loogu talagalay Hooyadda iyo dhalanka iyo qeyb loogu adeego bulshada kale
Dhulka uu ku yaal isbitaalka ayaa waxa horey ugu deeqay xukumadda Madaxweyne Lafta Gareen
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka hadlay Munaasaabdda Xariga jarka Xarun Cusub ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan baahi weyn loo qabay hadda kadibna uu dabooli doono baahida bulshadda u qabeyn Isbitaalka Guud ee Gobolka Baay