Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Laftagareen oo maanta dib ugu laabtay baydhabo.

20

Beydhabo 11,Aprl 2021,Madaxweynaha Dowladda Koonfur galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdiga uu hugaaninayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Caasamada Kumeel gaarka ah ee Koonfur galbeed Somaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee shaati gaduud ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan barlamanka konfur galbed, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa mudooyinkii ugu Dambeyey Safar Shaqo uga Maqnaa Magaalada Muqdisho Ee Casamada Dalka.

Kulamo.kala. duwan oo looga hadlaaye arimaha doorashooyinka qaranka ayuu madaxweyne Lafta Gareen uga qeyb galay magaalada Muqdisho,