Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Deni & Axmed Madoobe kala hadlay xalinta khilaafka doorashada

20

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftaagreen) ayaa bilaabay dadaalkiisa ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.

Madaxweyne laftaagreen oo shalay ku laabtay Baydhabo maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu khadka taleefoonka  kula xiriiray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ka dalbaday Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Heer Dowlad goboleed kadibna laga wada hadla xal u helista khilaafka doorashada.

Majirto jawaab rasmi ah oo Madaxweynayaasha jubbaland & Puntland ay dalabkaasi ka siiyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hayeeshee ay xusid mudan tahay in dalabkaas uu Madaxweynaha Puntland horay uga diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay ku kulmeen Garoowe.

Madaxweynah Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa horay u waday dhex-dhexaadin ku saabsan arrimaha muranka doorashada, hayeeshee uu sheegay in dhankooda uu ka socon waayay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland wallow ay beeniyeen

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen  inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.