Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyey geerida Cali Khaliif

26

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka tacsiyadeeyey Geeridii ku timid Ilaah ha unaxaristee Marxuum Cali khaliif Galeer Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka oo  Maanta ku Geeriyoodey Magaalada Jigjiga.

“Waxaan tacsi u dirayaa  dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan. qoyskii uu ka baxay Marxuum Cali khaliif Galeer Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, nagana siiyo samir iyo imaan.” ayuu yiri.

Alla ha unaxaristee Marxuum Cali Khaliif Ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dowladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Carta – Jabuuti 2000.