Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay xubno ka socda XF + Sawirro

61

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) oo gaaray magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ahaa mid soo dhoweyn ah ayaa waxaa looga hadlay sidii ay labada dhinac uga wada-shaqeyn lahaayeen arrimaha waxbarshada ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa inta uu joogo Baydhabo ka shaqeyn doono mashaariic kala duwan oo lagu hormarinayo waxbarashada.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato bahda waxbarashada ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.