Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo magacaabis sameeyey

85

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna u magacaabay Yaasiin Maxamed Bashiir.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid baahi loo qabo in la buuxiyo jagada guddoomiyaha dhanka maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa warqadda lagu sheegay inay ku timid magacaabista Yaasiin Maxamed, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.