Madaxweynaha Puntland oo Baarlamaanka u gudbiyay Hindise Sharciyeed Cusub

79

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa u bilaawday Kal-fadhiga 47aad tan iyo 25-kii October 2020 oo ay fasax ku maqnaayeen.

Kulanka 24aad kal-fadhiga 47aad oo Maanta uga qabsoomay Xaruntooda Magaalada Garoowe ayaa waxaa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, kaas oo Golaha uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Hindise Sharciyeed hanaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland oo uu Madaxweyne Deni u gudbiyay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa diyaarinayay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo TPEC.

Puntland ayaa waxaa xilligaan ka hirgalay nidaamka Xisbiyada, waxaana mas’uuliyiinta Maamulkaas ay sheegeen in qorshahooda uu yahay in doorashada Madaxtinimada ay noqoto mid ay dadweynaha codeeyaan ee ah qof iyo Cod