Madaxweynaha Puntland oo Digniin kasoo saaray is qab-qabsiga dhulka

26

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta dhulka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay horumarinta Caasimadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, wuxuuna ku baaqay Maamulkiisa iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.