Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Baydhabo

107

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Socdaalka Deni ayaa yimid, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada hoggaamiye ay yeeshaan wada-hadallo gaar ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Muddooyinkii la soo dhaafay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waday dadaallo xoogan, isaga oo horey u marti geliyey shir ay yeesheen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.