Madaxweynaha Deni oo gaaray Qardho iyo Ujeedka Safarkiisa

108

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Mas’uuliyiin kale,  isla markaana waxaa Magaalada markii uu gaaray kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Karkaar, kan Qardho iyo dadka deegaanka.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee halkaas ayaa waxaa uu tahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo Tababar mudooyinkii dambe ugu socday Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho Madaxweye Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka gobalka Karkaar iyo Odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.