Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Dhismooyin laga hirgeliyey Gaalkacyo

171

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Hayáddaha Dowladda iyo Garoonka Kubadda Cagta oo dhismihiisu marayo meel wanaagsan .

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo.

Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro