Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Baydhabo

78

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullahi (Deni) ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Deni ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), sida ay Najahonline u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Labada hoggaamiye ayaa yeelan doono wada-hadallo gaar ah oo ay uga hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo iskaashiga Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sidoo kale qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga Madaxweyne Deni ayaa haatan ka socota magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib markii uu Muqdisho uga qeyb-galay shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.