Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka KGS+SAWIRRO

53

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay ka wada hadleyn sidi loo sii xoojin lahaa Xiriirka labadda maamulk iyo is kaashiga dhinaca dhaqaalaha Bulshadda iyo  waliba dhanka  Maamulka

Wafdiga uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa waxaa ay ka qeyb galeyn  Munaasabadda  furitaanka Kalfadhiga 47-aad ee Barlamanka  Maamulkaasi puntland