Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi Maanta gaaray Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi Maanta gaaray Garoowe

23

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Hay’adda ICRC u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayna ka mid yihiin isku-uduwaha amaanka Goobaha shqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Madaxa Hay’adda ICRC u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayaa Madaxweyne Saciid Deni uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay, iyagoona balan qaaday inay dardar-gelin doonaan shaqooyinka ay halkaas ka wadaan.