Madaxweynaha Qoor qoor oo ka tacsiyeeyey geeridii kutimid Xildhibaan Axmed Galti

150

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay geeridii ku timid Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas oo ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray qoyskii, qaarabadii, Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf  oo xanuun haayay ugu geeriyooday Isbitaalka Difeer ee Muqdisho

“Waxaan tasci tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo geeriyooday, waxaa Allaah uga baryeynaa in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiy” ayuu yiri Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu hadkiisa sii raacsiiyay Madaxweynaha Galmudug “Samir iyo iimana Allaah hanaga wada siiyo dhamaan Ehelada, Asxaabta, shacabka Iyo Xildhibanada iyo Maamulka Galmudug”.

Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Muqdisho