RW Ku-Xigeenkii Hore Ee Somalia Oo Gaaray Hargeysa kadib cafis loo fidiyay

48

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Maanta ka degay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag.

Socdaalkaan ayaa iminaya kadib markii Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi uu cafis u fidiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo xiligaan  doonaya inuu dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Warqad Qoraal  ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codka uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland  Booqasho ku tagayo maadama  uu  xanuunsan yahay.

Cumar Carte Qaalib oo ah aabaha dhalay Maxamed Cumar Carte ayaa ku xanuusanaya magaalada Hargeysa,waxana uu hore uga soo qabtay xilal kala duwan dowladihii hore u soo maray dalka.

Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka dowlada federalka ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaas.

Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka digay in Maxamed Cumar Carte uu tego Magaalada Hargeysa, iyagoo tegitaankiisa  Somaliland shuruud uga dhigay ka tanaasulka fikirka midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhiso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi.