Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Wafdi ka socda Taiwan.

27

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  oo isniin ah xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Taiwan ku leeyahay  deegaanada Somaliland,

Kulankaasi  oo ka ka dhacay  caasimada Hargeysa,ayaa  Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi iyo Madxaweynaha Somaliland waxa ay uga wada hadleyn  arrimaha la xariira labadda Dhinac .

Kulankan  ayaa waxa looga wada hadlay adkaynta xiriirka  labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada Maamul

Dhinaca kale waxa lagu lafo-guray  shirkaan sidii Taiwan uga caawin lahaa Somaliland mashaariicda biyo ballaarinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xireenka iyo sidii Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Gabagabada kulankaasi ayaa ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo Madaxweynaha Somaliland  uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac.