Madaxweynaha Uganda oo maanta furay warshad Sonkorta ah oo ay qeyb ahaan leedahay Haweeneey Soomaali ah+SAWIIRO

33

Madaxweynaha Uganda ayaa maanta furay warshad sonkorta ah oo ay qeyb ahaan leedahay haweeneey Soomaali ah oo beecmushtar weyn ku leh dalka Uganda.

Munaasabada lagu furayay warshadan cusub ee soo saarta Sonkorta waxa ka qeyb galay wafdi ka socda dowlada federalka Soomaaliya oo u Hogaaminyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin

Madaxdweynaha dalka Uganda oo khudbad ka jeediyay Munaasabadaasi ayaa waxa uu sheegay in Warshadan ay qeyb ka qaadan doonto waxsoosaarka dalkaasi Uganda  waxana uu bogaadiyay in Ganacsatada ay Maalgashi ku sameeyeen dalkiisa

Warshadaan  oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika .

Warshadaan ayaa waxa ay soo saari doontaa Sokorta laga isticmaalo dalka Uganda iyo Wadamada kale ee ku yaal Bariga Afrika .