Madaxweynaha & wasiirka Dhalinyaradda  Ciyaaraha KGS oo siwada jir ah Hambalyo ugu diray.

32

 

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hambalyo udiray ciyaartooyda xulka kubadda Cagta dowlad Goboleedka Maamulak Koonfur Galbeed oo galabta ku badiyay 1-0 ciyaar aad u xiiso xamaasad badneyd oo ay la ciyaareen xulka kubadda Cagta maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya

Madaxweyen Cabdi casis ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in xulka kubadda cagta dowlad goboledka koonfur galbeed ay dadaalkooda sii laba laaban.

“Hambalyo Xulka Kubada Cagta koonfurgalbeed  oo ka guulaystay xulka Jubaland. Guusha aad gaarteen waa guul weyn oo usoo wada hoyatay dhammaan Ummadda Koonfurgalbeed” ayuu yiri Madaxweyen Cabdi casis lafta Gareen .

Dhinaca kale wasiirka wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu hambalyo udiray ciyaartooyda xulka Kubadda Cagta KGS isagoo ku aamnay guusha ay shacabka iyo madaxda reer Konfur Galbed u soo hooyeen geesiyasha galabta ku badiyay Ciyaartii ka dhacday Garoonka Enjeneer Yariisow

Wasiir Ibraahim Adan Ali Najah ayaa yiri :”Full Time 1-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda kubadda Cagta ee Koonfurgalbeed, cayaaryahannadeena waxa ay muujiyeen Kalsooni, cayaar wanaag, iyo kala danbeyn.”

Ugu dambeyntii mudane  Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu sheegay in  Koobkan  ugu dabaal deggi doonaan  Magaaladda Baydhabo haduu Alle idmo.

Kooxda kubadda Cagta Maamulka Konfur Galbeed Soomalia ayaa waxa ay Galabta soo bandhigeen Ciyaar wanaag oo daawa shadeeda aan laga caajisin waxana guusha  galabta ay gaareen qeyb weyn ku laha gool hayaha  koxda oo muujiyay karti iyo ad adeeg weyn

Guushu waa dhankeeenna.