Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo War-murtiyeed soo saaray

24

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-murtiyeed soo saaray, kadib shirar ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo mida amniga ee dalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay inay wada-hadal taleefanka ah la yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana la’sika gartay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.