Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Galmudug oo ku wajahan Baydhyabo

30

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta la filayaa inay tegaan gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waare iyo Qoor-Qoor ayaa Baydhabo shir wada-tashi ah kula yeelan doono Madaxweynaa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka ayaa sheegaya inay ka wada-hadali doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan adkeyna heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka Baydhabo ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaaladaasi.