Sawirro: Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Puntland oo kormeer sameeyay

76

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa maanta kormeer sameeyey.

Lafta Gareen iyo Deni ayaa dalxiis ku tegay meelaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay waqti iyo damaashaad la qaateen qaar ka mid ah shacabka Baydhabo.

Deni ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalaea Baydhabo, isaga oo kulamo kula yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.