Madaxweynayasha Jubbaland Iyo Puntland Oo Aqbalay Ka Qeyb Galka Shirka Dhuusamareeb

55

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ugu dambeyn ogolaadey ka qayb galka shirka Dhuusamareeb ayaa lafilayaa in ay gaaraan Caasimada oo ay joogaan Wufuuda kale ee Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

labada Madaxweyne ayaa saacadihii la soo dhaafay wararka soo baxayay waxaa ay sheegayeen inay shuruud ku xireen ka qeyb-galka Shirka Magaalada Dhuusamaeeb, hayeeshee haatan la shaaciyay inay aqbaleyn.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in labada Madaxweyne ee Jubbaland & Puntland ay tegi doonaan Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana uusan jirin wax isbedel ah shirkana uu dhacayo.

Waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne ay howlo u gaar ah u maqan yihiin uuna filayo in Saacadaha soo socda inay tagaan Magaalada Dhuusamareeb si uu u furmo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleeyada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haddda ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.