Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo haddiyad la guddoonsiiyey+Sawirro

37

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa haddiyad qaali ah ka guddoomay, Faatima Aweys Cismaan oo ah gabar dhalinyaro ah.

Faatima ayaa haddiyad ahaan madaxweynaha u siisay sawirkiisa oo ay si farshaxan ahaan u soo sameysay.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa Faatima Aweys kaga mahadceliyey dadaalka ay ku bixisay, si ay farshaxankeeda qadarin ugu muujiso madaxweynaha.