Madaxweyne Dani oo ku soo Wajahan Puntland & Wadooyinka Garoowe oo Saakay Xeran

37

Ciidamada Amaanka  dowlad goboleedka Puntland ayaa Saakay xiray  wadooyinka qaar ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland , iyada oo ammaanka siwyen loo adkeeyay.

Ciidamada Booliska  ayaa sigaar ah waxaa ay u xireen wadooyinka soo gala Aargadda weyn ee Bartamaha  Magaalada Garoowe,

Wararka naga soo gaaraya Garoowe  ayaa  waxaa tilmaamayaan in sababaha wadooyinka loo xiray lagu sheegay soo dhaweynta Madaxweynaha  maamulka Puntland.

Diyaargaroowga  soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland  ayaa laga dareemaya  Magaaladda iyadoo ay  tahay markii ugu horreeysay oo wadooyin loo xiro tan & markii la doortay Madxaweyen Saciid Dani .

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sidoo kale safar ku tegay wadanka isutaga imaaraadka Carabta.

Guddiga ka kooban 7 xubnood ayaa ku guda jira diyaarinta soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland.

Gudigaan ayaa waxa dhawaan magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Puntland si ay  u soo dhaweyaan  Madaxweynaha Puntland oo saacadaha soo socda ku soo wajahaan Deegaanada Maamulkaasi