Madaxweyne Deni oo garoowe ku soo dhaweeyey RW Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayey

155

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe  Kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wefdiga ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran oo maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.