Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey MD iyo Maamul Goboleedyada

34

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khubad ka jeediyay Shirka Caawa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada uga furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweye Deni ayaa waxaa uu sheegay in Khilaafyadii ku kala dhex jiray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleeyada uu meesha ka baxay, isla markaana haatan dhinacyada ay isku soo dhaweynayaan.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in la joogo xilligii Midnimada, wuxuuna u mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu xusay inuu muujiyay dulqaad iyo odaynimo.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu Maamulka Galmudug uga mahaeceliyay Gogosha ay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ugu fidiyeen Caasimadda Dhuusamareeb.