Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyey degmada Saaxo

37

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Saaxo.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ku saabsan baahiyaha ka jira deegaanka ka dhegaystay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka iyo haldoorka Bulshada.

Dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay Booqashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda degmada Saaxo.

Madaxweyne Deni ayaa Bulshada degmada Saaxo uga mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan, wuxuuna la wadaagay xarumaha Dowladdeed ee uu xariga kajaray, kuwa la dhaggax dhigay iyo qorsheyaasha waxqabad ee degmada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ay isugu jiraan Goleyaasha Dowladda, Lateliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka , Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.