Madaxweyne Deni Oo Taliye Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska Puntland (Wareegto)

9

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ee Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa xilka Taliyaha Ciidanka Maamulka Puntland loogu magacaabay inuu noqdo S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, kaasi oo bedelaya Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Guuto Cabdi Xasan.

Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee la magacaabay, sidoo kalena waxaa Taliye Maxamed Cali Xaashi laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Deni.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD