Madaxweyne Deni oo weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho

24

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa weli magaalada Muqdisho ka wada kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Deni ayaa hoygiisa ku qaabilay xildhibaano, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah Cabadirashid Maxamed Xidig oo ka tirasn Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur iyo marti sharaf kale.

Dhammaan waxay mas’uuliyiintan iska xog-wareysteen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda lagu jiro ee kala guurk ah.

Muqdisho ayaa marti gelineysa shirweyne ballaaran oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021.