MADAXWEYNE DENI: WAXAAN DIYAARINAY QORSHE SHAQAALAHA KOR LOOGU QAADAYO XIRFADOODA IYO MUSHAARKOODA

21

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sanadkan shaqaalaha Puntlalnd la tirakoobay lana diyaariyay qorshe kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkoodka.

“Sanadka waxay shaqaalaha Puntland munaasabadda 1-dq May ugu soo aaday iyadoo la tirakoobay shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaarkooda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynahe Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu hambalyo la xiriirta munaasabadda 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyay shaqaalaha ku jira furimaha hore ee ka shaqeeya amniga iyo la dagaalanka Covid-19.