Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

27

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib markii heshiis laga gaari waayay doorashada dalka.

Masdaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan shir deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu waday inuu dhacdo 5-tii bishaan Febraayo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.