Madaxweyne Farmaajo oo fariin ku aadan 66-sano guurada calanka u diray umadda Soomaaliyeed

28

Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo  ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweynahe Farmaajo ayaa Ummadda  Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.