Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

42

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hada gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha soomaliya ayaa Dhuusamareeb uga qeyb-galaya shir uu isagu ku baaqay oo looga hadli doono arimaha doorashooyinka dalka iyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay .