Madaxweyne Farmaajo oo Ka Codsaday Baarlamanka In ay ansixiyaan Golaha Wasiiradda Cusub

73

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisulwsaraha xukumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga .ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Villa Somalia

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda Rooble

Madaxweynaha  ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Dhawaan ayaa la filayaa in Ra;iisulwaare Rooble in uu horgeeyo Golaha Barlamanka si ay u ansixiyaan  Golaha Wasiiradda Cusub .