Madaxweyne Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha Suudaan

30

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha Suudaan, Dr. Cabdullaahi Xamduuk.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Suudaan dhibaatadii fatahaadaha ee ku dhufatay qaybo badan oo ka mid ah dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu caddeeyey in Soomaaliya garab istaagsantahay dowladda iyo shacabka Suudaan ee walaalaha ah si looga gudbo dhibaatadan adag ee ay marayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa dhankiisa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo tillaabadii Golaha Wasiiradda Soomaaliya uga dhaafeen dadka reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya khidmadaha socdaalka iyo ganaaxyada.