Madaxweyne Farmaajo oo kulan laleh Ahmed Madoobe

153

wararka ka imaanya magaalada Dhuusamreeb ayaa sheegaya in maanta madaxtooyada maamulka Galmudug kulan xasaasi ah uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid albaabada u xiran yihay, waxaana isku keenista Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ka shaqeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Xalay ilaa saakay ayaa la sheegay in ay socdeen dadaalo la isugu keenayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe kulmaan.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka ayaa diirada lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Dowlada federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland iyo sidii jawi isku soo dhawaansho loo abuuri lahaa.