Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qaar kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyed

59

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed
Madaxweyne farmaajo ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.
Madaxweynaha oo ka jawaabay Su’aalo ay weeydiiyeen dhallinyaro la soo aruuriyay oo kamid ahaa taageerayaasha dowlada ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.
Dhinaca kale dhallinyarada goob joogga ku ahaa kulanka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay mideynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorsheyaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.